spot_img
spot_img

Jose Mourinho oo cabsi weyn ka qaba M.Salah Kana Hadlay Qiimayn Uu Ku Sameeyey Ka Hor Ciyaarta Maanta Ee Liverpool vs Man United

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Jose Mourinho Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United,ayaa wajahi doono khatar marka ay maanta iska hor yimaaddaan kooxda halisteeda wadata ee Liverpool.

M.Salah iyo tababare Mourinho ayaa waqti kusoo wada qaatay Chelsea.

Mourinho waa shaqsigii ongolaaday inuu salah  ka tago Chelsea oo uu ku biiro Fiorentina ka hor intii aanay AS Roma si buuxda u iibsanin, taas oo ugu dambayn ay Liverpool kaga soo

“Horumar cajiib ah ayuu sameeyey dhinac walba. Jidh ahaan wuu horumaray, orodkiisu waa degdeg. Markii hore wuxuu ahaa diciif, haddana nin orod badan oo xoog badan.” Sidaas ayuu yidhi Mourinho.

“Saykoolaji ahaan ayuu ula qabsan waayey, sababtuna waxay ahayd in aanu toos uga keenay Switzerland (Basel) oo aanu koox weyn oo Premier League ah dhax keenay. Aad ayay uga weynayd. Waxa aan xasuustaa markii aan ciyaarsiiyey kulankii White Hart Lane (Tottenham vs Chelsea) iyo Etihad (Man City vs Chelsea), aad ayey ugu cuslaayeen. Laakiin hadda wuxuu u ciyaari karaa koox kasta, wuxuu tegi karaa Barcelona, wuxuu tegi karaa Madrid, wuxuuna u ciyaaraa sidii uu leeyahay ‘waxaan ahay Mo-Mo oo cidna kama cabsado’.

“Waa ciyaartoy wanaagsan oo gebi ahaanba ka duwan laacibkii aanu ka keenay Basel ee aanu Chelsea geynay, wuxuuna noqonayaa ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida.” Ayuu mar kale yidhi Jose Mourinho.

Tababaraha reer Portugal waxa uu sheegay inay qiimayn ku sameeyaan koox kasta ka hor inta aanay la ciyaarin, isla markaana eegaan meelaha ay diciifka ka yihiin iyo meelaha ay ka xooggan yihiinba, balse Liverpool ay leedahay meelo badan oo ay ka xooggan tahay, waxaanu yidhi: “Kulan kasta waxa aanu isku daynaa inaanu gorfayno kooxda aanu la ciyaarayno, waxaanu isku daynaa inaanu ogaano meelaha ay ka xooggan yihiin iyo meelaha ay diciifka ka yihiin, marka aad Liverpool u tagtana waxay leedahay meelo badan oo ay ka xoogan tahay laakiin dabcan isaga (Mo Salah) ayaa ah awoodda nukliyeerka ee ay haystaan.”

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!