Iimaan Cadow Kaarshe Guddoomiyaha degmada Garbahareey “Waxaa la iidiiday in aan ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho”

Muqdisho(Weheliye Online).Iimaan Cadow Kaarshe Guddoomiyaha degmada Garbahareey ee dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in loo diiday in uu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha ee Magalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ayuu sheegay in maalmihii ugu danbeeyayba uu ku sugnaa magaalada Muqdisho halkaa oo uu joogay howlo caafimaad, balse ciidamada nabad-sugida ku sugan Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iska hortaageen in uu dhoofo.

“Waa run, in garoonka la iga celiyay, waxaa dhacday markii aan garoonka galayay in wiilal askar ah ii diidaan in aan diyaaradda raaco, oo ay iga soo celiyaan, waxaa ay ii sheegen oo dembi ah oo aan galay oo i qanciyana wali ma hayo, haddii aan iri yaa I heystana waxay igu yiraahdeen anagu waxaan nahay xafiiska nabadsugida ee garoonka, amarkana waxaa nalaga siiyay xafiiska naga sareeya ee nabadsugida, in aad bixin oo bixitaanka aadan u fasaxnayn baa la nalagu amray ee Magaalada ku noqo” ayuu yiri Iimaan Cadaw.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay qaaday dhamaanba xayiraadihii saarnaa duulimaadyada tagga magaalada Kismaayo iyo guud ahaan deegaannada Jubbaland, hasse ahatee ms’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa sheeganaya cadaadis ay kala kulmayaan dhinaca laamaha Amniga Garoonka Aadan Cadde.

Dhanka kale waxa Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxa wali ku xayiran mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland,Kuwaas oo ka cabsi qaba in ay cadaadis kala kulmaan
laamaha Amniga ee Dowlada Fadaralka Somaliya.

Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadal waxa ka jira in loo diiday guddoomiyaha in uu ka dhoof Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan