spot_img
spot_img

Hordhac: kulanka Adag Ee Liverpool Vs Paris Saint-Germain

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Liverpool waxa ay soo dhaweyn doontaa Paris Saint-Germain kulanka kowaad ee ay ol’olahan dheeli doono Champions League.

Labada kooxood waxaa ka go’an in ay diraan farriimo xilli ay kala hoggaaminayaan labada tababare oo reer Geramany ah.

Si heer sare ah ayey ku wada bilaabeen horyaaladooda iyada oo ay Liverpool badisay 4tii kulan ee dheeshay halka PSG adkaatay shanti ciyaarood ee ay dheeshay Ligue 1-ga.

Maxaa ka cusub labada kooxood

Liverpool

-Kabtanka Liverpool oo kaydka ku jiray kulankii sabtida ayaa la filayaa in uu ku soo bilowdo, waana is bedelka qura ee la filayo in safka Reds lagu arko.

-Roberto Firmino waxaa la filayaa in uu seego kulankan kaddib dhaawac halis ahaa oo isha ka soo gaaray, Daniel Sturridge ayaa la qabaa in uu booskiisa buuxin doono

– Simon Mignolet kaydka ayuu ku jiray sabtidii isaga oo qudhiisa dhaawac qaba.

PSG

– Gianluigi Buffon iyo Marco Verratti labadaba wey ka gabaaxan yihiin PSG sababo la xiriira ciqaabyo ay la kulmeen kal hore.

-Maadaa uu maqan yahay Buffon, waxaa ku soo bilaaban doona goolka Alphonse Areola

-Neymar iyo Kylian Mbappe oo maqnaa kulankii horyaalka ee toddobaadkan, waa diyaar ciyaarta Liverpool

Raadraac

-Waxaa xiiso leh in kulankan yahay kii kowaad ee ay foodda is daraan Liverpool iyo PSG

-Labada kooxda waxa ay caan ku yihiin in ay bilowga Champions League gaaraan guulo waa weyn

-Dhinaca Thomas Tuchel waxaa waajib ku ah in ay is muujiyaan maadama ay yihiin kuwa ugu cad cad Champions League sanadkan

Safafka la fili karo

Liverpool:Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Milner, Henderson, Keita; Salah, Firmino, Mane

PSG:Areola; Meunier, Silva, Marquinhos, Bernat; Verratti, Diarra, Rabiot; Mbappe, Cavani, Neymar

Gegida: Anfield

Saacadda Geeska Africa: 10:45pm

Dhex dhexaadiyaha: Cuneyt Cakir (Turkey)

 

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!