spot_img
spot_img

Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) Oo Sheegtay Iney Qabatay Xubin Ka Tirsan Daacish

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Qoraal kooban oo ay soo saartay Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) waxa ay baahisay In ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen shaqsi ka tirsan Daacish.

 

Shaqsiga la soo qabtay ayey  NISA ku sheegtay Daacish In u qaabilsanaa soo xero gelinta xubnaha cusub ee kooxda daacish ku biiraya iyo sidoo kale faafinta wararkooda.

“Howlgal aan cidi wax ku noqon ayaa ciidamada amniga 23-ka bishan, kusoo qabteen howlwadeen ISIS u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), waxaana la horkeeni doonaa cadaaladda” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.”

Ururka Daacish ayaa si weyn ugu xooggan deegaannada Puntland, gaar ahaan buuraha Galgala, sidoo kale waxey werar kala kulmayaan dagaalamayaasha al-shabab iyo dowlada soomaliya

 

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!