spot_img
spot_img

Gudiga doorasha KGS oo iska dhaga tiray baaqii Gudoomiye Mursal oo ahaa in dib loo dhigo Doorashada M.KGS

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Waxa si caadi ah u bilowday hadal jeedinta Musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Musharaxiinta qudbadooda jeedin doonta maanta waxa ay kala yihiin Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Ibraahim Macalin Nuunow oo u taagan qabashada xilka madax weyne KGS.

Gudiga doorashada maamukka KGS ayaa iska indha tiray Baaq uu shalay u jeediyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal  oo ahaa in dib loo dhigo Doorashada, ilaa xal siyaasadeed laga gaarayo sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda iney sii deyso Musharax Muqtaar Roobow,

Gudiga ayaa u muuqda iney wadanayaa hooshooda caadiga ah taas oo ka filayo iney doorashada ku dhacdo waqtigii loo cayimay.

xaalada amni ee magaalada Baydhabo ayaa caadi ku soo laabatay kadib markii si buuxda gacanta ugu dhigeen ciidamada dowlada iyo kuwa itoobiya.

Halkaan ka dhageyso x:VOAsomali

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!