Guddoomiyaha gobalka shabeellahada hoose oo sheegay in la xaliyay xiisadda ka taagneed Deegaanka Ceelasha biyaha.

Af-gooye(Weheliye Online).Ibrahim Aadan  Najax Guddoomiyaha gobalka shabeellahada hoose, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay xaliyeen xiisaddii ka aloosneed deegaanka Ceelasha biyaha kaasi oo u dhaxeysay ciidamo milatiriga soomaaliya ka tirsan iyo illaalada guddoomiyaha deegaanka.

Mr  Najax ayaa hoosta ka xariiqay in door weyn ay ka qaateen odayaasha dhaqanka ee degan ceelasha biyaha xalinta xiisaddaan taagneyd maadaama ay ku bixiyeen dedaal dheere ah.

Intaa waxa uu ku daray hadalkiisa in looga fadhiyo labada dhinac ee khilaafka u dhaxeyay inay ilaaliyaan xalka la gaaray si loo bad baadiyo buu yiri dhiig cusub inuu daato.

Xiisaddaan ayaa ka bilaabatay kagadaal markii ay isku maandhaafeen ciidamo ka tirsan miltariga soomaaliya iyo ciidamo ilaalo u ah guddoomiyaha deegaanka gacan ku heynta amniga ceelasha biyaha maadaama miltariga ay sheegeen inay masuul ka yihiin shaqaalaha dhisaya wadada xiriirisa muqdisho iyo afgooye.

About A.Hussein 1134 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan