Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada  oo kala saxiixday heshiis muhiin u ah dan-yarta,(Sawirro).

0
244
0 0
Read Time:52 Second

Guddoomiyaha gobalka Banaadir Ahna Duqa magalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda fadaraalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yar ee ku nool Muqdisho.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah barnaamijka Baxnaano ee uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, kaas oo loogu tala galay qoysaska danta yar, sida ku cad heshiiska.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa guddoomiye Cumar Filish ku soo dhoweeyay xafiiskiisa oo ay ku kala saxiixdeen heshiiskaas.

 Wasiir Sadiiq ayaa sheegay in mashruucan oo lasoo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu isla maanta ku wareejiyay duqa Muqdisho Cumar Filish, si loogu taakuleeyo kuwa ugu nugul dadka ku nool gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish oo dhankiisa ka mahad celiyay soo dhaweenta uu kala kulmay wasaaradda shaqada ayaa balan qaaday in mashruuca lagu wareejiyay maanta ay maamulkiisu sidii loogu tala galay ugu wareejin doono dadka loogu talagalay

Mashruucaan ayaa wax tar weyn u lahaan doono dadka aad u nugul ee ku dhaqan gobolka Banadir.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %