Guddiga madaxa banaan ee Xallinta Khillaafaadka Doorashooyinka Federaalka Oo Guddoomiye Doortay  

0
173
0 0
Read Time:40 Second

Xubnaha ka tirsan guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka ee her Federaal oo Maanta doortay Guddoomiye cusub, kadib doorashado ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka waxaa soo xaadiray 18-xubnood, waxaana xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka loo doortay Xuseen Maxamed Maxamuud oo helay 18-cod.

Doorashadan Guddiga ayaa timid, kadib markii Guddoomiyihii hore ee Guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka Qaranka Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Abyan Nuur uu geeriyooday.

Guddigaan oo ka kooban 18-xubnood ayaa ka shaqeeya xalinta khillaafaadyada ka dhashada doorashooyinka ee her Federaal, waxaana Guddigaan ay ka qeyb galeen doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay dowlad Goboleedyada dalka.

Guddigaan ayaa la filayaa in ay si habsami leh ay u xaliyaan khilaafyada ka dhax dhasha doorashooyinka dalka oo la filayo in uu dhawaan ka bilaabmaan dalka.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %