Gool rigoore ah oo uu waqtigii dhimashada dhaliyay halyeey James Milner ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul ay u dagaalantay oo 2-1 ah oo ay ka adkaatay kooxda Leicester City

0
183
0 0
Read Time:2 Minute, 1 Second

Ciyaaraha(Weheliye Online).Gool rigoore ah oo uu waqtigii dhimashada dhaliyay halyeey James Milner ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul ay u dagaalantay oo 2-1 ah oo ay ka adkaatay kooxda Leicester City ciyaartii ka dhacday maanta Anfield.

Reds ayaa badisay kulankii 8aad ee isku xiga ee xilli ciyaareedkan waxaana ay sii wataa rikoorka guulaha Premier League iyagoo ku sii dhawaanaya inay barbareeyaan rikoorka guulaha isku xigxiga horyaalka ee Manchester City.

Liverpool ayaa sideed dhibcood haatan ku heysa hogaanka horyaalka Premier League iyagoo leh 24 dhibcood.

Tababare Jurgen Klopp ayaa kulanka maanta ku soo bilaabay markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan daafaca Lovren kaasoo ka garab ciyaarayay Van Dijk halka goolhaye Alisson uu taam buuxda u noqon waayay inuu xitaa kursiga keydka soo fariisto inkastoo uu tababarka ku soo laabtay.

Labada kooxood ayaa qeybtii hore ciyaaray kubad adag oo loo bogay, iyadoo Liverpool ay ciyaareysay kubad isku dhiidhiib aad u fiican halka Leicester City ay isku dayayeen inay helaan kubado rogaalcelis ah.

Daqiiqadii 40aad ayay kooxda Liverpool hogaanka u qabatay ciyaarta markii James Milner uu kubad aad u fiican u dhigay Sadio Mane kaasoo isna shabaqa ku hubsaday, iyadoo xiddiga reer Senegal uu si weyn uga dhex muuqday kulankii maanta.

Sadio Mane ayaa kulankii 100aad ee Premier League u ciyaaray Liverpool maanta, waxaana uu u dhaliyay goolkii 50aad ee Premier League, isagoo isku qoray taariikhda kooxda Reds.

Inta badan qeybtii labaad ee ciyaarta waxba iskama bedelin natiijada mana jirin fursado waa weyn oo la iska helay, laakiin kooxda Leicester City ayaa heshay goolka barbaraha ciyaarta oo 10 daqiiqo ay ka harsan tahay.

Perez ayaa kubad u dhigay Maddison isagoo meel cidlo ah ku diray Van Dijk, waxaana uu James Maddison dabamariyay kubada goolhaye Adrian, waxa ay aheyd gool ay u qalantay Leicester City marka loo eego sida ay ciyaarayeen.

Daqiiqadii 3aad ee afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayaa Liverpool loo dhigay rigoore markii uu Albrighton qalad ku galay Sadio Mane iyadoo VAR ay ansixisay rigoorada.

Waxaa rigoorada u soo istaagay James Milner oo shabaqa ku hubsaday islamarkaana guusha u xaqiijiyay kooxda Liverpool

Waxa ay ciyaarta ku soo idlaatay barbaro 2-1 oo ay Reds ku badisay iyagoo sii dheereystay rikoorkooda guulaha ee xilli ciyaareedkan, waxaana ay badiyeen kulankii sideedaad ee xilli ciyaareedka Premier League.

Liverpool ayaa sideed dhibcood haatan ku heysa hogaanka horyaalka Premier League laakiin waxa uu hogaankooda noqon karaa shan dhibcood haddii ay badiso berri kooxda kaalinta labaad ee Man City.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %