spot_img
spot_img

Golaha Shacabka Oo Maanta Lagu wadk im Horgeeyo Miisaaniyadda Dowladda Ee 2019

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Waxa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku kulmaan xaruntooda magaalada Muqdisho, kadib markii aanay wax kulan ah yeelan ku dhowaad Hal bil.

Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa xildhibaannada lagu horgeyn doonaa miisaaniyadda 2019 oo la doonayo iney ka doodaan.

Murankii ka dhashay kala diristii guddiga miisaaniyadda ayaa sabab u noqday in shaqadii baarlamaanka ay maalmo badan hakad gasho.

Dib u habeyn ayaa hadda lagu sameeyey guddigan, waxaana sidoo kale guddoon cusub doortay xubnaha guddigan.

Waxana la filayaa in gudiga guddiga miisaaniyadda ay bilaabaan howshooda caadiga ah kadib dib u habeyn lagu sameyay.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!