spot_img
spot_img
0 0

Gen. Sheegow oo beeniyay in ilaaladiisa gabar ardayad aheed ku dileen muqdisho

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:35 Second

Gen Sheegow Axmed Cali oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa waxaa beeniyay in Ciidamo ilaalo u ahaa  ay Muqdisho ku dileen Gabar Ardayad aheyd , Taasi oo wax ka baranaysa mid ka mid ah Iskuulaadka ku yaala Magaalad Muqdisho.

Sidoo kale Sheegow ayaa waxa uu tilmaamay in ciidamo kale ay falkaasi geysteen, islamarkaana ilaaladiisa aysan wax rasaas ah u furin sida uu hadalka u dhigay.

Sargaalka ayaa waxaa uu tilmaamay in cadeymo uu haayo in ilaaladiisa aysan dilka u geysan Gabadha ardayadda  ahayd.

Shalay ayay ahayd markii Gabar ardayad aheyd ay muqdisho ku dileen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya, iyadoona  Saraakiisha lagu Eedeeyay arintan ay ka hor yimaadeen.

 

xigasho:radiokulmiye.net

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!