Galmudug oo magacawday guddiyada ku matalaya Doorashooyinka heer federaal.

0
206
0 0
Read Time:30 Second

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Galmudug Mudane Axmed Kaariye (Qoorqoor) ayaa gudbiyay Gudiga Galmudug u matalaya Doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka Heer Federaal.

Xubnaha la magacaabay ayaa magacyadooda lagu sheegay CabdiCasiis Cabdiraxman Yusuf iyo Liibaan Axmed Xasan,

Madaxweyne Axmed Kaariye (Qoorqoor) ayuu u xushay in ay maamulka galmudug u matalaan Doorashooyinka Soomaaliya.

Dhanka kale Garaad Yuusuf Maxameed iyo Mustaf macalin Cali, ayaa galmudug u matali doona xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal.

Galmudug Puntland Goofurgalbeed iyo Jubaland ayaa soo gudbiyay xubnaha ku matalayo guddiyada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka heer Federaal, maamulka Hir-shabele ayaa ka harsan oo wali soo magacaabin ciida ku mataleysa doorashooyinka Heer federaal.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %