
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Amaanka ayku dhigeen Gaari ay saar naayeen wax yaabaha Qarxa.
Gaariga siday wax yaabaha qarax ayaa la sheegay inuu ka yimid deegaanka Raama Cadey ee duleedka Magaalada Baydhabo.
Wasiirka amniga ee Koofur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in gacanta lagu haayo darawalkii waday gaariga ay miinooyinka saarnaayeen,sidoo kale waxa uu u mahadceliyay askartii qabatay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo.
Maalmo ayaa ka dhiman doorashada la sugay iney ka dhacdo Magaalada Baydhabo ayadoo amaanka magaalada aad loo adkeeyay.
19 bishan ayaa la filayaa inay doorasho ka dhacdo Magaalada Baydhabo.