FIFA Oo Garoonka Muqdisho Stadium U Aqoonsatay Garoon Caalami Ah

Hey`adda Kubada Cagta Adduunka ee FIFA ayaa garoon caalami ah u aqoonsatay
garoonka Kubadda Cagta Mogadishu Stadium oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay.
Aqoosiga FIFA ayaa ogalaanaya in haatan Stadium Mogadishu uu martigalin karo kulamo caalami ah.
Muqdisho Stadium ayaa boorka iska jafay, isla markaana ka baxay waayihii Mugdiga ahaa ee uu garoonka ku jiray, waxaana rumowday riyooyin waqti dheer soo jiray,
Markii garoonka cagaha loo taagay Muddo 16 sanadood oo uu ka caagana masraxa ciyaaraha.
Garoonka Kubada Cagta ee Muqdisho Stadium ayaa ah guriga ciyaaraha Soomaliya,
waxaana loo yaqaana TUULADA CIYAARAHA , waxaa la dhisay sanadii 1977-kii,
waxaana dalka Soomaaliya u dhistay dowladda Shiinaha.
Garoonka wuxuu marti geliyay Ciyaaro badan oo iskugu jira , kuwa qaaradeed
kuwa heer caalami ah, Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika iyo Ciyaaraha Carabta.
Ciyaartii ugu horeysay ee lagu qabtay garoonka Muqdisho waxay dhexmartay qaranka Soomaaliya iyo Koox ka socota dalka Shiinaha ee la yiraahdo Lyonen, waxayna ahayd ciyaarti lagu furay garoonka.
kadib dib u habeyntii garoonka hadda waxa uu noqday mid ka mida
garoomada ugu fiican Afrika.
About A.Hussein 1137 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan