Fanaanka Sharma Boy Oo Maanta Loo Dhaadhiciyey Xabsiga Weyn ee maagalada Garawe ee caasimada Puntland.

0
270
0 0
Read Time:52 Second

Wararka inaga soo gaarayo magaalada Garawe ayaa sheegaya in fanaanka sharmaarke c/naasir ee somalida u taaqano Sharma Boy oo shalay lagu xidhay saldhiga booliska magaalada Garawe ee caasimada puntland ,ayaa maanta loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee magaalada Garawe.

Waaxda dembi baarista CID-da ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa fanaanka Sharma Boy Su’aalo kala duwan ka weydiisay Shilkii gaari ee shalay ka dhacay deegaanka Buura-wadal ee Gobolka Sool, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Sharma Boy ayaa loo heystaa shil shalay ka dhacay duleedka maagalada Garawe,shilkaas oo geystay khasaare Nafeed,waxana la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay gabar ka mid ahed dadkii gaariga la saarnaa fanaanka sharma Boy.

Dhanka kale Shilka ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof kale oo gaariga saarnaa, kuwaasi oo la sheegay in dhaawacyadooda ay yihiin kuwo fudud, waxaana Maanta fanaanka loo dhaadhiciyey xabsiga weyn ee Garoowe.

Fanaanla ayaa maalmo kahor gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, isagoo shalay galay shil gaari oo khasaaro geystay, iyadoona Booliska Maamulka ay sheegeen inuu socdo baaritaano ku aadan shilkaas dhacay.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %