spot_img
spot_img

Faahfaahin qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

.Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax Miino oo caawa ka dhacay agagaarka isgoyska lambar afar ee  magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa la dhigay laamiga dhinaciisa. Ciidamada ammaanka oo qaraxa ka hor soo gaarey goobta ayaana xiray wadada, kadib markii ay wargeliyeen dad goobta ku sugnaa.

Ilaa hadda ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa. Laamaha ammaanka ayaana weli faah-faahin ka bixin qaraxa.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahii dambe, waxaa ku soo badanayay qaraxyada nuuca miinada ee laamiga dhinaciisa la dhigo, kuwaasi oo lala beegsada saraakiisa iyo mas’uuliyiinta dowladda.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!