spot_img
spot_img

Faahfaahin Dagaal xalay ka dhacay waqooyiga Magaalada Gaalkacayo.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Gaalkacyo-Weheliye Media INC-Wararka naga soo gaarayo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in khasaare nafeed uu ka dhashay iska hor imaad xalay dhex-maray ciidamada ammaanka iyo koox ka ganacsata maandooriyaha Khamriga.

Saraakiil ka tirsan booliska Puntland ayaa KNN u sheegay in iska hor imaadkaas uu yimid kadib markii ay ciidamada ammaanku weerareen goob ay ku sugneed kooxdaas.

Inta la xaqiijiyey hal qof oo ka tirsanaa kooxdii la weeraray ee Khamriga ka ganacsaneysay ayaa ku geeriyooday weerarkaas, halka ugu yaraan seddax kale ay ka dhaawacmeen.

Ciidamada booliska Puntland ayaa howlgalkaas ku soo qabtay inta badan kooxdii ay weerareen ee ka ganacsaneysay maandooriyaha Khamriga.

Inta badan magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhaca falalka noocaan ah, waxaana ku badan kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, balse laamaha ammaanka ayaa isku daya inay xakameeyaan, waxaana ka dhasha isku dhacyo khasaare sababa.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!