Faahfaahin :- Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo dilay Qof shacab ah

0
230
0 0
Read Time:41 Second

Ciidamada  Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay xalay dileen qof shacab ah oo dumar ah kadib markii ay rasaas ku fureen gaari ay la socotay oo Rakaab ah.

Ciidanka dilka gaystay ayaa ah kuwa gaarka ah ee Madaxweynaha Maamulkaasi Siciid Cabdulalahi Deni, waxaana goorta uu dilku dhacayay ay galbinayeen sida la sheegay madaxweynaha, oo dib ugu soo laabtay Magaalada Caasimadda ah ee maamulkaasi.

Dilka ayaa ka dambeeyay kadib markii Gaariga ay sarnayd Gabdha la dilay uu dhexgalay Kolonyo gaadiid ah oo la socday Siciid Deni, waxaana ay rasaas ku fureen gaariga ay la socotay Marxuumad Maryan Axmed Caato oo ah Gabadha ay dileen Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Mamaulkaasi Siciid Cabdulaahi Deni ayaa shalay socdaal ku maray degaanno ka tirsan Puntland, waxaana ugu dambeyntii uu dib ugu soo laabtay Caasimadda Maamulkaasi ee Garowe.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %