-1.7 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Faah faahin Alshabaab oo sheegatay inay dib ula wareegtay degaanadii Sh/Dhexe ee ciidamada dowladda ka qabsadeen.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:49 Second

Alshabaab ayaa sheegatay inay saaka dib ula wareegtay degaanadkii Gobolka Sh/Dhexe ee dhowaan ay ka qabsadeen ciidamada xooga dalka.

Warar ay baahiyeen Alshabaab ayey ku sheegteen in ay dib ula wareegeen deegaannada: War-ciise, Qoordheere iyo degaano kale ee udhow markii ay ka baxeen ciidamadii dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay tageen degaanka Biyo-cadde oo ay saldhig weyn ku leeyihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM; Laakiin ma jiro wax war ah oo arrintan ay kasoo saareen Taliska ciidamada xoogga dalka iyo cid dhexdhexaad ah oo xaqiijisay.

Deegaanada war-ciise ayaa Dagaalamayaasha Al-shabaab looga dilay in ka badan 70 sidoo kale looga qabsaday gaadiid iyo hub.

Degaanadan ayaa dhowaan looga qabsaday Alshabaab kadib howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda, waxaana dagaal culus oo dhex maray labada dhinac lagu dilay saraakiil uu ka mid yahay taliyihii ururka 6-aad ee ciidamada gorgor Gaashaanle Maxamed C/wahaab Faarax, halka dowladda ay shaaciyay inay dagaalka ku dishay ilaa 70 dagaalame oo Alshabaab ah.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!