
Faa-Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dil arxan daro ah oo ka dhacay
Gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Balcaano oo dhinaca bari kaga beegan Magaalada Jowhar.
Sida la xaqiijiyay Haweeney kamid aheyd dadka ku nool deegaanka,Laguna magacaabi jirey Xakiimo Abuukar Xasan ayaa la dilay kadibna la jarjaray xili ay joogtay beer ay qoyskeedu ku lahaayeen deegaanka Gaaleef.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka falkaan ayaa waxaa ka dambeeyay nin kamid ah dadka deegaanka,islamarkaana ay soo xireen Ciidamadda Booliska,inkastoo uu sheegay in uusan ka dambeynin.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haweeneyda loo dilay arrimo dhaxal.
Ciidamada amaanka ayaa baaritaano ka wada deegaanka,waxeyna baadi goob ugu jiraan Dadkii ka dambeey dilka naxdinta leh ee loo geystay Marxuumada
Perfectly composed articles , thankyou for information. 🙂
Likely I am likely to save your blog post. 🙂
Like!! Thank you for publishing this awesome article.