spot_img
spot_img

Dowladda Soomaaliya ayaa faafaahin ka bixisay bayaan shalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Dowladda Soomaaliya ayaa faafaahin ka bixisay bayaan shalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, kaasi oo lagu taageerayay dowladda Sucuudiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa voa-da u sheegay in Soomaaliya ay isgarab taagtay Sucuudiga oo sida uu sheegay wajahaya hanjabaad iyo handadaad dhaqaale, waxa uuna beeniyay in ay Sucuudigu ku taageerayaan arrinta wariyaha loo haysta awgeed.

Beesha caalamka ayaa cadaadis ku saareysa xukuumadda Riyaad in ay caddeyso halkii uu ku dambeeyay weriye Sucuudiga u dhashay oo lagu tuhunsan yahay in ay khaarijisay dowladda Sucuudiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo goor sii horreysay ii waramay ayaan weydiiyay waxa ay ku saleeyeen mowqifkooga.

 

Halkaan ka dhageyso wareeysiga oo dhameystiran

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!