spot_img
spot_img

Dowladda Somaliya oo war ka soo saaratay duqeymaha Kenya ay ka geysato Gedo iyo Dacwad…

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Muqdisho(webeliye Online)-Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareeyay duqeynta ay Kenya kasii wado Soomaaliya, ayna ku disjay dad shacab ah.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadad Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntii aaa kala sooca lahayn ee 3-dii June 2021 ay ciidamada Kenya ka fuliyeen degaanada Ceelcadde iyo Hisa-u-gur ee Gobolka Gedo inay tahay tusaale cad howlgallada ciidamada Kenya ee keenay dhimashada iyo xasuuqa dadka rayidka ah oo ay ku jiraan caruurta iyo haweenka.

Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqday AMISOM inay la socoto falalka ciidamada Kenya ka wadaan Soomaaliya iyo duqeynta ay iskood ula beegsanayaan dadka rayidka ah, waxaana dacwad arrintan ku saabsan ay Soomaaliya gaarsiin doonto Golaha Amniga Midowga Afrika.

Talaabada ay qaaday Dowlada soomaaliya ayaa ah mid loo baahnaay oo ku aadan duqeynta aan loo meeldayin oo ay kenya ka waddo gudaha somalia.
HOOS KA AKHRISO

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!