spot_img
spot_img
0 0

Dowladda Itoobiya Oo Shaacisay In Ay Ka Takhluusi Doonto Fagaalada TPLF.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:1 Minute, 7 Second

Dowladda Itoobiya ayaa wax lala yaabo ama waalli ku tilmaantay dalab adag oo ay soo gudbiyeen fallaagada baxsad ka ah TPLF ee ka dagaallabto gobolka woqooyi ee Tigray.

Wasiirka arrimaha dimuquraadiyadda Itoobiya, Zadig Abraha, ayaa BBC-da u sheegay in TPLF ay ku riyooneyso awood siyaasadeed oo aan jirin, wuxuuna sheegay in gebi ahaanba fallaagadaasi laga saari doono tuulooyinka gobolkaasi marka sida uu sheegay dowladda dhexe uu ka dhammaado dulqaadka.

Zadig waxa uu beeniyay sheegashada fallaagada TPLF ee ah in la go’doomiyay gobolka Tigreeda, wuxuuna sheegay in mas’uuliyadda dowladda ay tahay xaqiijinta in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka gobolkaasi.

Waxa uu intaa ku daray in aysan jiri doonin wadahadal ay la galayaan TPLF oo uu ku tilmaamay koox argagixiso ah.
Fallaagada TPLF ayaa haatan gacanta ku hayso caasimadda gobolka Tigreeda ee Maqalle iyo magaalooyin kale oo ku yaal gobolkaasi kaddib markii ciidamada dowladda ay halkaasi isaga bexeen.

TPLF ayaa haysay xukunka gobolka Tigreeda ka hor inta ciidamada dowladda dhexe aysan ku duulin kaddib weerar ciidamada TPLF ee xilligaasi ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taallay woqooyiga dalkaasi Itoobiya.

Ciidamada Militiriga itoobiya iyo kuwa maamul goboleedka oo is kaa shanaya ayaa dagaal qaraar kula jira dagaalyahanada Tigrey,waxana la soo warinayaa in ay jirto khasaare aad u baahsan oo soo kala gaaray labada garab ee ku dagaalamaya waqooyiga dalka Itoobiya.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!