Dowlada Qatar oo si adag uga hadashay dhalinyaradii tababarka loogu qaaday Eritrea

0
44
0 0
Read Time:41 Second

Dowladda Qatar oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag uga hadashay wararka la xariira in dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Ugu horeyn Qatar waxay nasiib darro ku tilmaantay in dhalinyaradaas markii hore dalkooda looga qaaday in la geynayo dalka Qatar oo shaqo iyo tababar fiican lagu siinayo.

Qoraalka ka soo baxay Qatar ayaa waxaa dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea looga dalbaday inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan waxa ka jira arrinta ku aadan wararka laga faafiyey dhalinyaradaas.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay cambaareyneyso tallaabooyinka noocaan oo kale oo looga been abuuranayo xukuumadda Dooxa.

Weriyaha Idaacadda kulmiye Xasan Maxamed Aweys ayaa warbixintan nooga diyaariyey.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %