Dowlada Kenya oo Xayiraad saartay Duulimaadyada ka baxa Kismaayo.

0
371
0 0
Read Time:48 Second

Sida uu baahiyay wargeyska business daily africa Hay’adda Duullimaadka rayidka Kenya ayaa waxaa ay amaro culus  oo dhinaca duulimaadka ah duldhigtay diyaaradaha ka duula garoonka Diyaaradaha Magaalada kismaayo ee u safra  Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qoraalka Hay’ada ayaa waxaa lagu sheegay in amarkaan uu ku saabsan yahay  in diyaaradaha ka baxa Kismaayo ee ku wajahan Nairobi ay sii maraan Magaalada Wajeer si loogu sameeyo baaritaan la xiriira dhinaca Amniga.

Gilbert Kibe  Agaasimaha Hay’adda duullimaadyada rayidka ee Kenya, ayaa sheegay in dhamaan duullimaadyada aan ka baxeyn Muqdisho marayaan Wajeer taasina tahay amar ka soo baxay Uhuru Kenyatta oo ay hay’addoodu fulineyso.

Tilaabadan ayaa timid kaddib markii 14kii Bishii la soo dhaafay Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen heshiis ay qodobadiisa ka mid ahaayeen dib u billaabidda duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in dhamaan Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya marka laga reebo Muqdisho ay maraan Wajeer si halkaas baaritaan loogu sameeyo.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %