spot_img
spot_img

Dowlada Burundi oo ka hortimid in la dhimo tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Dowlada Burundi ayaa si weyn uga hortimid Codsi uu u diray ururka Midowga Africa oo ahaa in Burundi ay dhinto ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Dowladda Burundi ayaa lagu wargaliyay iney dhinto ku dhawaad Kun Askari oo ka jooga somalia ugu dambeen 28-ka Bisha Feebaraayo ee Sanadka soosocda.

Colonel Floribert Biyereke oo ah Afhayeenka Ciidanka Burundi ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay in  midowga Africa ay weydiiweeydiisan doonto in tiro siman ay Howgalka Soomaaliya ka dhiman dhamaan Dalalka AMISOM ka tirsan intii Burundi kaliya lagu koobi lahaa.

Dowladda Burundi waa wadanka labaad ee ciidamada ugu badan ku leh howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Waa 5,400 Ciidanka Burundi ee jooga Soomaaliya, waxaana Midowga Africa uu Codsaday in 1000 Askari laga yareeyo dhamaadka Bisha Labaad ee sanadka soo socda kadib shir guddiga isku xirka Howlgalka AMISOM ay ku yeesheen Magaaladda Adis Ababa Bishii Novemver.

Qorsha loo dejioyay ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa uu dhigayaa in Ciidanka si tartiib tartiib ah dalka looga saaro

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!