Dowlad Goboleedka Puntland Oo Kala Dirtay Guddiga Rugta Ganacsiga.

0
79
0 0
Read Time:32 Second

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga , Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland C/llaahi Cabdi Xirsi ayaa maanta sheegay in lakala diray dhamaan guddigii Rugta Ganacsiga
ee maamulka Puntland.

Guddigan oo shaqeynayay muddo 6 sano ah ayaa maanta loo sheegay
inay iska tagi karaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la qaban doono waqti dhow doorashada Guddiga Cusub, wuxuuna sheegay in dhowr jeer oo hore ay dib u dhacday balse haatan sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaban doono.

Wasiirka ayaa ugu baaqay ganacsatada inay u diyaar garoobaan doorashada guddiga rugta ganacsiga Puntland.

Doorashada ayaa lagu sheegay inay dhici doonto 14-ka bisha soo aadan ee November 2020, haatanba ay socoto diyaar garoowgiisa.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %