spot_img
spot_img

Diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayo oo duqeymo ka fuliyay Saakow.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wararka ka imaanaya Magaalada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeyn ka fuliyeen  Magaaladaasi.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday xarun ay wax ku baranayeen caruurta degan magaalada  Saakow iyo isbitaal ku yaala Magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay  saddex Carruur ah ayaa ku geeryootay duqeynta, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Dad goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday Magaalada Saakow, islamarkaana Gantaalada ay ku dhaceen Isbitaalka Guud ee degmada iyo dugsi wax lagu barayay caruurta ku nool Magaaladaasi.

Diyaaradaha mareykanka iyo Kenya ayaa inta badan waxaa ay duqeymo ka fuliyaan qeybo ka mid ah Gobalada dalka.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!