spot_img
spot_img

Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Fuliyey deegaanka Maamiye ee G. Mudug

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Waxa lagu soo waramayaa in ay degantahay Xaalad deegaanka Maamiye ee hoos taga gobolka Mudug, halkaasi oo ay diyaarado dagaal ay duqeyn ka fuliyeen.

Diyaaradahan ayaa bartilmaameedsaday sida la xaqiijiyay gaari oo ay la socdeen dagaalyahanno la sheegay iney ka tirsanaayeen Al-shabaab, waxayna dadka deegaanka sheegeen in mar qura la maqlay jug xooggan .

Sida goobjoogayaal ay xaqiijiyeen Gaarigii la bartilmaameed saday ayaa  gabi ahaanba burburay, balse lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay.

Dadka deegaanka Maamiye ayaa isaga baxay halka ay duqeynta ka dhacday,si aysan waxyeelo uga soo gaarin .

Inta badan duqeynta lala bartilmaameedsado Al-shabaab waxa dalka ka fuliya dowladda Maraykanka oo taageerta howlgalada lagula dagaalamaya Al-Shabaab

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!