-1.4 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Dil togasho oo saakay lagu fuliyay mid ka mid ah raggii ka dambeeyay qaraxii Isgoyska Zoobe

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:41 Second

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo Axad ah waxay dil toogasho ku fulisay mid ka mid ah raggii wax ka abaabulay qaraxii ugu weynaa ka dhaca magaalada Muqdisho.

Xasan Aadan Isaaq ayaa ahaa ninkii waday gaariga labaad ee ku qarxay agagaarka Isgoyska Dan-wadaagta ee degmada wadajir, waxaana uu ahaa gaarigii labaad ee qarxay 14-ka October.

Ciidamada ammaanka ayaa gaariga uu ninkan waday ku qabtay bar Koontarool, iyadoo uu gaariga markii dambe qarxay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ninkan sanadkii hore ku xukuntay dil toogasho, maadaama uu ka mid ahaa dadkii ku lug lahaa qaraxyadii dadka faraha badan galaaftay.

Toogashada Xasan Aadan Isaaq ayaa lagu soo beegay Sanad guuradii koowaad ee qaraxii 14 October ee Isgoyska Zoobe, iyadoo maanta la xusuus loo sameynayo dadkii ku dhintay qaraxaas oo ka badnaa shan boqol oo ruux.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!