-1.4 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Dhaqaatiir fuliyay qalliinka dhanka wadnaha xilli uu dab ka holcayay dhismaha ay ku jireen (Halis ka dhalatay).

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:1 Minute, 9 Second

Koox dhaqaatiir ah oo ku sugan isbitaal ku yaalla Ruushka ayaa ku guuleystay inay dhammeystiraan qalliin furan oo wadnaha ah oo ay ku sameynayeen bukaan iyadoo dab damiyeyaashuna ay la tacaalayeen daminta dab xooggan oo ka kacay saqafka kore ee dhismaha.

In ka badan 120 qof ayaa laga saaray dhismaha mana jiraan dad ku dhaawacmay dabka oo ka kacay isbitaalka Blagoveshchensk ee ku yaalla bariga fog ee Ruushka.

In dhaqaatiirtu ay qalliinka sii wataan waxaa u fududeeyay xargaha dabka ee dabaqa hoose ee qolka tiyaatarka oo shaqeynayay iyo marwaxadaha oo qiiqa dibadda u saarayay.

Bukaankii qalliinka wadnaha lagu sameyay ayaa goor dambe laga saaray dhismaha.
Dhaqtarkii hoggaaminayay kooxda qalliinka Valentin Filatov ayaa sheegay in kooxdiisa “ay ahayd inay badbaadiyaan qofkan wax walbana waan sameynay”. Siddeed dhaqtar iyo kalkaaliyeyaal ayaa ku howlanaa qalliinka oo qaatay labo saacadood, isgaoo bilowday waxyar uun kaddib markii uu dabku ka kacay dhismaha.

Wasiirka gargaarka degdegga ah ee Ruushka ayaa sheegay in isbitaalka la dhisay sanadkii 1907 xilligii tsarist, isla markaana uu dabku dhex qaaday saqafka dhismaha oo alwaax ka sameysan.

Tiyaatar qalliin (sawir hore oo laga helay barasaabka Amur)

Dhaqtar Antonina Smolina ayaa yiri “ma jirin walwal” ay qabeen shaqaalaha isbitaalka.

barasaab goboleedka Amur Vasily Orlov ayaa ammaanay shaqada kooxda qalliinka iyo dab damiyeyaasha oo damiyay dabka. Waxaa haatan la qorsheynayaa in la siiyo abaal marinno.

Waa isbitaalka keliya ee gobolka ku yaalla ee leh qeybta wadnaha.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!