spot_img
spot_img
0 0

Dhamaan Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya Oo La Fasaxay Iyo Sababta loo fasaxy Oo Shaaciyay.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:50 Second

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha Dawladda Federaalka iyo kuwa gaarka ah.

Qoraal kasoo baxay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha ay fasax yihiin maalinta Isniinta berri oo ku aadan bilowga sannadka cusub ee Hijriga 1443.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray dhammaan Shaqaale-waynaha Soomaaliyeed ayaa u rajeeyay inay camal wanaagsan uga faa’iideystaan maalinta muhiimada u leh muslimiinta ee sanadka cusub ee Hijriga.

Sidoo kale Agaasime Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa u rajeeyay dhammaan in shacabka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan maalintii Nabigeena Muxamed NNKHA ka hijrooday Magaalada Maka, una hijrooday Magaalada Madiina.

Inta badan dadka Muslimiinta ayaa Caawa indhaha ku haaya bilashada bisha Muxaram ee Sanadka cusub ee Hijriyada ee 1443, waxaana Khubarada Cilmiga Xiddigiska ay sheegeen in suurtogal aheyn in bisha Caawa la arko, isla markaana bisha si fiican loo arki doono habeenka ay soo galeyso Talaadada.

HALKAAN KA AKHRISO

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!