Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu xiray dalka Canada

Ciidamada la dagaalanka hubka iyo burcada dalka Canada ayaa xabsiga u taxaabay oo xiray Lix dhalinyaro Soomali ay ka mid ahaayeen kuwaa oo loo shakiyay in ay heysteen hub sharci darro ah.

Dhalinyarradan ayeey ciidamadu ka soo qabteen guri ay ku sugnaayeen oo ku yaala bartamaha magaalada Toronto ee dalkaasi Canada, sidoo kale guriga dhalinyaradan laga soo xiray ayaa la helay hub.

“Booliska magaalada ayaa galay guri waxa ay ka soo qabteen Lix dhlinyro ah, dhinac marka aad ka eegto waa wax wanaagsan in ammaanka la sugo, balse dhinaca kale waa wax laga naxo in dhalinyaro Soomaali ah ka mid noqdaan dadka hubka sharci darrada ah lagu qabtay.” ayuu yiri Sadiiq Cali Xaashi oo ka mid ah dhalinyarada wax baratay ee  ku nool dalka Canada.

Magacyada dhalinyaradan la qabtay oo warbaahinta lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka muuqday dhaliynaro Soomaali ah oo qeyb ka noqonaya dadka ku eedeysan in ay si sharci darro ah u heysteen hub, taasoo ah danbi.

Xariga dhalinyarada asalkoodu uu ka soo jeedo Soomaaliya ee dalka Canada ayaa marar badan oo hore siyaabo kala duwan u dhacay.

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan