Dhalinyaro Dhac iyo Boob ka geysata xiliga habeenkii magaalada Qardho oo Gacanta Lagu Soo Dhigay.

Jaamac Cusmaan Axmed Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Bari oo warfidiyeenka kula hadlay Magaalada Qardha waxa uu faahfaahin ka bixiyay howlgal ay ciidamada Booliska Puntland ay ka sameeyeen deegaano hoostago magaalada Qardho.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dhalinyaro dhac xiliga habeenkii dhac ka geysta xaafadaha magaalada Qardho, islamarkaan waxaa uu sheegay in haatan ay ku xiran yihiin xabsiga magaalada Qardho.

Sidoo kale taliye ku xigeenka  ayaa waxaa uu sheegay in tirada dadka la soo qabtay ay gaarayaan ku dhawaad 9 qof, isagoona sheegay in dhawaan maxkamad la horkeeni doono.

Mudooyinkii lasoo dhaafay waxa magaalada Qardho ku soo xoogeysanayay dhalin-yaro ku labis buskoolado iyo toori Kuwaas oo dhac iyo boob u geysanayay dadka deegaanka.

Ugu dambeyn taliye ku xigeenka ayaa waxaa uu waalidiinta ugu baaqay in ay cishtaan caruurtooda, islamarkaana ay kala taliyaan in aysan dadka dhacin habeenkii, hadii kalana booliska ay tilaabo ka qaadi doonaan.

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan