spot_img
spot_img
0 0

Dhalinyaradii ugu horreysay Soomaali ah oo ku biiraya ciidamada cirka ee Dalka Itoobiya.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:42 Second

Dhalinyaradii ugu horreysay oo deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ka soo jeeddo oo ku biirtay ciidamada cirka Itoobiya ee noqda Duuliye iyo Farsamayaqaan diyaaradeed ayaa tababrkooda billaabay.

Labadan dhalinyarada ah oo loo kala qatay Duuliye iyo Farsama yaqaan diyaaradaha ciidamada ayaa sheegay iney caqabado xagga qoyska iyo bulshadaba ay kulmeen balse ay ka gudbeen maadaamaa ay xiiseynayeen iney mar un helaan fursad ay cidamada cirka dalka Itoobiya kaga mid noqdaan.

Dhalinyaraduna waxay sheegeen fursadda iney ku heleen qoondo Soomaali ahaan loo siiyey kaddibna imtixaanka dugsiga duuliyanimada lagu qaaday oo ay ku guuleysteen.

Cadnaan Cali Ibraahim oo loo qaaday farsamaqayaqaan diyaarad ciidan oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in weligiisa uu ku haminayay in uu ku biiro ciidamada.

Ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa guulo waaweyn dhanka hormarka iyo Dowlada dhaxe ka gaaray tan iyo markii uu xilka qabtay Aby Ahmed.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!