spot_img
spot_img

Dhaawacyo ka dhashay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo lagu risaaseeyay degmada Cadalle

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

wararka ka imaanaya Degmada Cadalle ee Sh/dhexe ayaa ku waramaya in koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaari siday dad shacab ah oo marayay tuulo ka tirsan degmada Cadalle .

Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay sida ay nooxaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaay halka ay mashaqada ka dhacday.

wararka ayaa intaas kusii daraya in gaariga la xambadeeyay uu ka yimid deegaanka War-faarax waxa uuna ku soo socday magaalada Muqdisho, dadka deegaanka ee tuulada Garas-weyne ayaa sheegay in Kooxda hubeysan oo tuuladaasi ku sugnaa ay gaarigaan oo nuuciisa ahaa Biijii ay wadada ugaleen kadib ay risaaseeyeen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta degmada iyo saraakiisha gobalka, xaaladda dadka dhaawacyada ah ayaa la sheegay iney isugu jirto mid fudud iyo mid culus.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!