spot_img
spot_img

DFS oo Sheegtay In Howlgalo Laga Fuliyay Gobolka Bay Lagu Dilay Xubno ka tirsan Dagaal yahanada Al-Shabaab Ah.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Dowladda faderaalka Soamaliya Ayaa waxa ay sheegtay in Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed ay weerar ku qaaday deegaanka Seydheelow oo ka tirsan gobolka Bay,halkaasi oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bay ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Gaashaanle Sare Amiin Maxamed Daruur oo la hadlay Wakaaladda (SONNA) ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac ay halkaasi ugu geysteen koxda Al-Shabaab,ayna deegaanka iminka ay gacanta ku hayaan.

“Howlgalkan waxaa qaaday ciidankeena,waxaana uu ka dhacay deeganaaka Seydheelow,waxaa halkaasi lagu dilay 7-ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab,deegaankana hadda waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda,shacabkuna waa laga dulqaaday dhibtooda”. Ayuu yiri taliye Amiin.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay oo qayaas ahaantii 35 KM dhanka Waqooyi kaga began magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa horey ugu sugnaa xubno ka tirsanaa Alshabaab.

https://weheliye.com/taabid-cabdi-oo-si-kulul-u-cambaareeyay-dagaalka-baladxaawo-fariin-culusna-u-diray-dowladda-jubbaland/

Taliyaha qeybta ayaa xusay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Seydheelow ay ka dambeysay kadib markii shacabka deegaanka uu codsi kaga yimid si looga dulqaado dhibaatada ay kala kulmayan al-shabaab ayaa lagu yiri warkasoo baxay dowladda.

Ciidanka xoogga dalka ayaa waxa la sheegay in hada ay wadaan howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha  al-shabaab

howlgaladaasi oo ay sheegeen in ay ka fulinayaan  meelaha ay kaga sugan yihiin al-shabaab  gobolada dalka.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!