spot_img
spot_img

DFS oo sheegtay in ay kordheen dagaalyahanada Al-Shabaab ee lagu dilay Gobolka Sh/Dhaxe.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Kadib markii ciidamada xooga dalka ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka al Dagaaamayaasha Al-shabaab ,kaas oo ay si balaaran ay uga wadaan deegaano iyo tuulooyinka ka tirsan Gobolka Sh.Dhaxe.

Howlgalkan oo lagu dilay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage, waxaana howlgalkaas Al-shabaab looga saaray deegaanada Gal-labashiir, War dhagax, war ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, Galka Xarareey oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

Taliya ciidamada xooga dalka Ganaral Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ka baxan 100 dagaalyano in lagu dilay howlgalo ,sidoo kale looga furtay hub iyo gaadiid dagaal,dagaalamayaal kale ay nolosha lagu qabtay.

Howlgalka oo wali ka socdo ayaa ciidamada xooga waxa ay ka gaarayaan guulo ayagoo la wareegay Dagmooyin Hor leh.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!