DFS oo Dalka Ka Mamnuucday Hay’add uu Maamulo Matt Bryden oo la sheegay iney wax u dhimeysay amniga qaranka, xasilloonida iyo Midnimada dalka.

Hay’add lagu Magacaabo Sahan ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ,taasoo ka shaqeysa Cilmi baarista ayaa gabi’ahaanba laga mamnuucay iney ka shaqeyso Dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in guud ahaan Soomaaliya laga mamnuucay Hay’add Sahan oo uu Madax ka yahay  Matt Bryden oo u dhashay dalka Canada, kaasoo horay isku duwe uga soo noqday Kooxda Monitoring Group.

War Qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Amniga ee Dowladda fadaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hey’adda Sahan Research laga joojiyay, lagana mamnuucay dhammaan wixii shaqo ay ka waday dalka, sababo la xiriira amniga qaranka, xasilloonida iyo Midnimada dalka.

hey’adda Sahan Research ayaa lagu eedeeyay in ay wax u dhimeysay Amniga,xasiloonida,Midnimada dalka, inta badan hey’addaha dalka imaanaya lama hubiyo waxa ay dalka u dhimi karaan

Halkaan ka Akhriso qoraalka wasaaradda Amniga

About A.Hussein 1123 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan