DEGDEG:-Wasiirkii Arimaha Dibadda Ee Dalka Iiraan Oo Is Casilay.

War Goor dhaw soo dhacay ayaa shegaya in Wasiirkii Arimaha Dibadda ee dalka Iiraan Mudane Maxamed Jawad Darid uu ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay.

Wasiirkii Arimaha Dibadda ee dalka Iiraan ayaa is-casilaadiisa ku shaaciyay boggiisa Instagram,isagoo sheegay in uu wadiwaayay howsha culus ee loo igmaday,sido kalane ka gaabiyay howshii ay shacabkiisa ay ka sugayeen.

“Waxan u mahadcelinayaa Shacabka Iiraan iyo mas’uuliyiinta oo xilkan igu aaminay mudo dhan 67bilood ah,Waxana ka cudurdaranayaa inaan sii wadi karin iyo sidii aan uga gaabiyay,Waxan idiin rajeynayaa Hormar iyo Barwaaqo …”ayuu ku soo qoray qoraalkiisa is-casilada Wasìir dalka Iiraan.

Wakaalada wararka ee dalka iiraan ayaa xaqiijisay in uu iscasilay wasiirka Arimaha Dibadda ee iiraan.

Dalka Iiraan ayaa xiligaan maraya xaalad aad u cakiran iyo wadamo badan ay kula jiraan dagaal diblamaasiyadeed oo ka dhan ah dalka iiraan.

About A.Hussein 1134 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan