
Wararka iminka naga soo gaaraya inta ku dhaxeysa deegaanka Ceelasha-biyaha iyo Ex-kontorool Afgooye ayaa sheegaya in laga maqlay qarax xoogan oo laga maqlay xaafadaha ku teedsan deegaan kaas.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho in uu halkaasi uu ka dhacay qarax Miino.
Gaari nooca loo yaqaan SURF ayaa la sheegay in Miinadan lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhintey Hal qof iyadoo dhaawacna uu jiro, balse tirada rasmiga ah weli lama hayo.
Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, welina lama oga dadka qaraxan lala eegtay waxa ay ahaayeen.
kala soco waxi warar ah ee kusoo kordho iftinews