spot_img
spot_img

DEG DEG:-Taliyihii Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Oo Qarax miino Lagu Dilay

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Qarax xoogan ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Hirshabeelle.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari uu saarnaa Taliyihii Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mareyre Makaraan iyo Ciidamo la socday.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray Ciidanka lala eegtay, waxaana la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Dhicisoow Maxamed Qeelshe oo ahaa Taliyihii Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen 4 kamid ah Askar la socotay Taliye Dhicisoow Maxamed, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad, waxaana qeyb kamid ah uu burburay gaariga ay saarnaayeen.

Ilaa iyo hadda Maamulka Hirshabeelle ayaan ka hadlin qaraxaas khasaaraha geystay ee ka dhacay Bari ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle oo jugtiisa laga maqlay deegaano ku dhow Jowhar.

Qaraxaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo Maanta Magaalada Jowhar uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Kooxda Macwiisleyda, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan, waxaana dadka ku dhintay kamid ahaa Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Hirshabeelle, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!