spot_img
spot_img

DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay Dalka Itoobiya

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wararka naga soo gaaraya Degmada , Mao-Komo, oo ka tirsan Gobolka, Benishangul Gumuz, ee Dalka Itoobiya ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay qarax gaari.

inta la xaqiijiyay ilaa Siddeed Qof oo Rayid ah ayaa ku geeriyootay qarax Miino oo goordhaw ka dhacay halkaas,sida ay baahisay warbaahinta gudaha Dalkaasi.

Gaarigan oo ahaa Bas yar, isla markaana ay saarnaayeen 11 Qof oo rakaab ah,  ayaa dul maray Miino nooca Dhulka lagu aaso ah, meel ku dhow xadka kala qaybiya Gobollada , Benishangul Gumuz iyo Oromiya, sida uu Saxaafadda u sheegay, Kamaal Idriis, oo ah madaxa ammaanka iyo siyaasadda ee Degmada , Mao-Komo.

BoliiskaFadaraalka Itoobiya ayaa billaabay baaritaanno ku aaddan sidii ay ku heli lahaayeen Cidda halkaasi gelisay Miinadan, mana jirto Koox sheegatay falkan.

Dhulka Itoobiya ayaa ka mid ah meelaha Caalamka ugu Miinada badan, iyadoo horay loo diiwaan geliyay caddadka Miino ee ku jira halkaasi inuu gaarayo, 250,000

Dalka Itoobiya ayaa wali saldhigan kadib kacdoon ka bilowday dalkaas,Wali xal looma helin Qowmiyadaha isku dagaalaya Gudaha Dalka Itoobiya.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!