DEG DEG:- Qarax xoog leh oo goor dhaweed ka dhacay is-goyska KM4 ee Magalada Muqdisho.

0
140
0 0
Read Time:28 Second

Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo goordhaw ka dhacay agagaarka isgooska KM4 ee Muqdisho.

Sida dad goobjoogayaal ah ay u sheegeyn weheliye Media waxaa qaraxa la dhigay darbiga masjid ku yaalla hareeraha wadada aada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Sidoo kale wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxaasi xilliga uu dhacay uu halkaasi marayey Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Somalia Maxamed Aadan Jimcaale Koofi.

Inta la xaqiijiyey hal qof rayid ah ayaa geeriyooday, halka uu dhaawacmay qof kale, inkastoo khasaaruhu intaasi ka badan yahay.

La soco wixii soo kordha.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %