DEG DEG:- Khasaare ka dhashay qarax lala beegsaday saraakiil ka tirsan Danab iyo guddoomiye Siidii.

0
83
0 0
Read Time:54 Second

Afgooye-WNN-Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gobolka Shabeellada Hoose lagula eegtay gaadiid ay la socdeen saraakiil Soomaali iyo ajaanib isagu jirta iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabduqaadir Siidii.

Gaadiidkaas oo ka baxay degmada Afgooye, isla markaana ku sii jeeday dhanka saldhigga Ballidoogle ayaa qarax lagula beegsaday deegaanka Tixsiile, waxaana lagu soo werinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur Beeryare, sida ay noo sheegeen ilo dhanka ammaanka ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wafdigan ay la socdeen saraakiil cadaan ah, waxayna xubno ka mid ah kolonyada la qarxiyey ay KNN u sheegeen inay dhaawacmeen illaa afar sarkaal.

Sidoo kale ciidamo ayaa aan la shaacin tiradooda oo isugu jira Danab iyo kuwo cadaan ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas, waxaana halkaas ku bas beelay gaarigii uu haleelay qaraxu.

Weli wax war ah kama soo baxin saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Wixii ka soo kordha kala soco 

WEHELIYE NEWS NETWORK.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %