DEG DEG: Gudoomiyaha BFS Oo lagu wado in uu ku dhawaaqo in uu buray Mooshinka Laga keenay M.Farmaajo

Waxa saacadaha soo socdo lagu wadaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu go,aan uu ka soo saaro mooshinka muranka badan dhaliyay ee 9-kii bishan laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Ila wareedyo Kala duwan oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegayay in lagu wado in uu ku dhawaaqo in laga laabtay Mooshinka laga keenay Madaxweynaha, kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ka laabteen oo ay sheegeen in laga been abuurtay oo ay ku jiran xildhibaanada Mooshinka keenay,iyo kuwa markii dambe iskood iskaga laabtay mooshinka.

Wararka laga helayo hoyga uu Mursal degan yahay ayaa sheegaya inuu kulamo la leeyahay Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweynaha, waxaana kulanka kaddib laga soo saari doonaa war saxaafadeed.

Muran badan ayaa ka taagnaa sharciyadda Mooshinka, iyadoo labada dhinac ee Xildhibaanada ay isku khilaafsanaayeen hab raaca loo maray Mooshinka, kaddib markii ay soo baxday in 14 Xildhibaan ay sheegeen in laga been abuurtay saxiixooda.

Mooshinka laga keenay Madaxweynaha ayaa dalka gelisay qalalaase aan la fileyn, waxaana hakaday kulamadii baarlamaanka, sidoo kale Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku kala qeybsaday, waxaa Hotelada Muqdisho hareeyay kulamo iska soo horjeeday.

Lama oga waxa lagu xaliyay mooshinka, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay socdeen wada hadalo hoose oo Madaxda dowladda ka lahaayeen arrimaha mooshinka iyo xaaladaha uu dalka geliyay

Lasoco waxii warar ah oo kusoo kordho

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan