spot_img
spot_img

DEG DEG: Dagaal Ka Socda Gobolka Shabellaha Hoose

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wararka ka imaanaya  deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka oo ah mid aad u xoogan ayaa laga maqlayaa daryanka rasaasta la isku adeegsanayo deegaanada ku hareereysan Baladul Amiin .

Ila wareedyo deegaanka ayaa iftinews.com u xaqiijiyay in ay ciidamada xoogga dalka ay weerar ku qaadeen deegaanka, waxaana  halkaasi ku sugnaa dagaalyahank  ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in diyaarado dagaal lagu arkayo nawaaxiga deegaanka uu dagaalkan ka socdo.

Dadka Deegaanka ayaa cabsi xoogan ka qaba dagaalka ka socodo deegaanka ,Lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo dowladda federaalka ahna aanay wax war ah kasoo saarin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!