spot_img
spot_img

DEG DEG:- Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland oo saakay ka socda Beledxaawo

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay ilaa iyo saakay uu ka socda degmada Beledxaawo, kadib markii ciidamo ka amar qaata wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ay weerar ku qaadeen degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa WNN u sheegay in Ciidamada wasiir Janan ay xalay la wareegeen xaafado ka mid ah Beledxaawo.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dagaalka ayaa sheegaya in taliye ku xigeenka ku xigeenka saldhiga degmada Beledxaawo uu halkaasi ku dhintay.

Dagaalka xoogaysa ayaa saakay laga maqlay guud ahaan magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!