Dalalka Armenia iyo Azerbaijan oo heshiis xabbad joojin ah ka gaaray gobolka Nagorno-Karabakh.

0
119
0 0
Read Time:1 Minute, 45 Second

Dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ayaa ku heshiiyay xabad joojin ku meel gaar ah ka dib dagaalkii labada dal ee gobolka lagu muransanyahay ee Nagorno-Karabakh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku dhawaaqay xabad joojinta kaddib 10 saacadood oo lagu wadahadlayay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Wasiirka ayaa sheegay in haatan labada dal ay bilaabi doonaan wadahadallo muhiim ah.

In ka badan 300 oo qof ayaa dhimatay halka kumanaanna ay guryahoodii ka barakeceen tan iyo ay bilaabatay shaqaaqadii ugu dambeeysay ee 27-kii bishii Sebteembar.

Xabadda joojinta ayaa bilaaban doonto maanta barqada si ay u suurogasho in la is weydaarsado maxaabiista iyo la gurto meeydadka dadkii ku ledahay gulufkii labad toddobaad socday ee dhexmaray Armenia iyo Azerbaijan

Nagorno-Karabakh waxaa maamulo qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia balse rasmiyan waxuu gobolkan uu khilaafkiisa mudddada badan soo jiitamayay ka tirsan yahay Azerbaijan.

Armenia iyo Azerbaijan – waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeeti – waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada.

Ruushka ayaa se qeyb ka ah isbaheysi militari oo ay la leeyihiin Armenia, waxaana uu dalkaasi ku leeyahay saldhig milatari. Si kastaba ha noqotee, waxay sidoo kale xiriir dhow la leeyihiin dowladda Azerbaijan.

Nagorno-Karabakh – Xaqiiqooyin ku saabsan

Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran

Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda

Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan

Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan

Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso 1 malyan

Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan

Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii

Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan

Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %