Dagaal xoogan oo ka dhacay xaduuda Somalia iyo Kenya (xili Diyaarada dagaal lagu arkay saa..).

0
177
0 0
Read Time:32 Second

Ciidamada Xooga Dalka iyo maleeshiyo Taageersan Maamulka Jubbaland ayaa xalay saqdii dhaxe ku dagaalamay duleedka magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ri-saas is weydaarsadeen ciidamada Xooga dalka iyo kuwa jubbland,iyadoo la sheegayo in Wasiirka amniga jubbaland ee C/rashiid janan ay taageero ka helayaan ciidamada Kenya KDF.

Illa wareedyo ku sugan magaalada Baladxaawo ayaa sheegaya in Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Hilikobter oo ay leeyihiin ciidamada Kenya saakay lagu arkayo xadka u dhaxeeya Magaalooyinka Beled-xaawo iyo Mandheera.

Dhaq-dhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa magaaloyinka Xadka, kadib iska hor imaadkii xalay dhax maray ciidamada DFS iyo kuwa ay taageerto Kenya.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %